Other Links ...


Business ...

   Towfiiq Online

   banadirsoftware.com

   nation-link.com


Education ...

   lafoole.com

   S. E. D.com


News Audio 

   BBC News 11:00

   BBC News 18:00



Barnaamijka Aafah ee Idaacadda Radio Banadir oo gaarsiiyay deeq raashin ah dadka ku tabaaleysan gudaha magaalada Muqadishu

(September 30, 2007):--Barnaamika Aafaha ee Idaacadda Banaadir oo Deeq Raashin ah Gaarsiiyay In kabadan 85 Qoys oo kamid ah Dadka soo barakacay ee ku jira Xeryaha Magaaladda Muqdisho. Deeqdaas oo isugu jirtay Qeybaha Raashinka sida Bur,Bariis,Sokor,Baasto iyo Galeyayaa waxaa loo Qeybiyay ilaa iyo Sideetan iyo Shan Qoys oo ku jira Kaamka Inji 2 ee Degmadda Kaaraan islamarkaana ay ku Jiraan Dad masaakiin ah oo kasoo Barakacay Qeybo kamid ah Goboladda Dalka,kuwaasoo u badan Haween, Caruur iyo Dadwaayeel ah oo ay siweyn uga Muuqatay Duruuf aad u weyn oo Xaga Nolosha ah.

Howlwadeeno ka tirsan Idaacadda Banaadir oo uu horkacayay Cali Muxumed Aaadan “Cali Madoobe” oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Idaacadda ayaa Gacmahooda ugu Qeybiyay Dadkaasi Tabaaleysan Raashinka loo Qorsheeyay,waxa ayna Dadku siweyn uga mahadceliyeen Deeqda Raashinka ah ee Raadio Banaadir uu soo Gaarsiiyay.

Hadal uu halkaasi ka jeediyay Cali Madoobe oo ku hadlayay Magaca Maamulka Idaacadda Banaadir intii lagu guda jiray Bixinta Deeqahaasi lagaarsiiyay Dadka kujira Kaamka Inji two ee Degmada Kaaraan ayaa waxa uu sheegay in Maamulka iyo Howlwadeenada Idaacadda Banaadir ay aad uga Damqadeen Dhibaatada Xaga Nolosha ah ee Heysata Walaalaha Soomaaliyeed ee ku barakacay Gudaha Dalka.

Qeybintii Diiqdaasi kadib ayaa waxaa halkaasi kahadlay Gudoomiyaha Kaamka Inji two Saynab Maxamuud Kulmiye “Saynab Gaab”waxa ayna sheegtay in ay uga Mahadcelineyso Maamulka Idaacadda Banaadir Kaalmadda aysoo Gaarsiiyeen iyo Garashadooda ku aadan in la taakuleeyo Dadka Masaakiinta ah ee Dhibaatadu ku haysato Xeryaha Magaaladda Muqdisho,Iyadoo intaasi ku sii Dartay in Dadka kujira Kaam inji two aanan weligood Moddo Todoba iyo Tonaban Sano ah aan wax Kaalma ah lasiinin Deeqdaana ay waxbadan ka tari Doonto Nolosha Dadka.

Deeqdaan oo ay Bixinteeda iska kaashadeen Dhegeystayaasha Idaacadda iyo Maamulka Idaacadda isla markaana Muddo lagu uruurinayay Xarunta Idaacadda ayaa waxa Maamulka Idaacadu Sheegeen in ay siiwadi Doonaan Bixinta Deeqahaasi ,iyagoo kaashanaya dhegeystayaasha Idaacadda ee Muxsiniinta ah, waxa ayna intaasi ku sii dareen in ay jiraan kaamam kale oo loo Qorsheeyay in la gaarsiiyo Deeqahaasi.

Mas’uuliyiinta Idaacadda Banaadir ayaa intii ay socotay Bixinta Deeqdaasi waxa ay ka Codsadeen Dadka Soomaaliyeed ee Illah waxsiiyay iyo Hay'adaha Samafalka ah in ay Kaalmeeyaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku Dhibaateysan Xerooyinka G/Banaadir waxa ayna Madaxda Idaacadu Balan qaadeen in ay siiwadayaan intii Karaankooda ah Bixinta iyo Qeybinta Sadaqada lasiinayo Dadka Tabaaleysan.

« « Back to Previous Page